GOOSASHADA PUNTLAND MA GO'AAN BAY KU TIMID MISE WAA QALAD FARSAMO!!

0
Wednesday January 14, 2015 - 12:02:11 in Local News by Chief Editor
  • Visits: 2645
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 4 0
  • Share via Social Media

    GOOSASHADA PUNTLAND MA GO'AAN BAY KU TIMID MISE WAA QALAD FARSAMO!!

    Qalinka: Abukar Albadri --- - Muqdisho (14/01/2015) – Waa hubanti in qof walba oo dareen waddaniyadeed wax ku aqriya uu is weydiinayo su'aalo bad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawirka: Sawir laga qaaday Wikipedia.org oo sheegaya in Puntland ay dowlad tahay
Qalinka: Abukar Albadri --- - Muqdisho (14/01/2015) – Waa hubanti in qof walba oo dareen waddaniyadeed wax ku aqriya uu is weydiinayo su'aalo badan oo la xiriira masiirka Soomaaliya xilligan ay muuqdaan ifafaalayaal dadka ku abuuraya rajo iyo rajo beel is barbar socda, taas oo ay sabab u yihiin inta heysa hoggaanka heer gobal iyo heer Qaran.

Qormadeydan kooban oo aan rumeysnahay in ay abuuri karto dhaliil iyo caro intaba waxaan diiradda ku saarayaa maamulka Puntland ee haatan talada haya ee uu hormuudka ka yahay Dr. Cabdiweli Gaas iyo sida ay u dhaqmayaan iyo saameynta ay ku yeelan karto midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Tabaha maamul ee hoggaanka Puntland ee xilligan ayaa ah kuwo muujinaya in maamul Gobaleedkaasi uu si aan go’aan bulsho aheyn uga dhex baxayo xeyndaabkii midnimada una xuub siibanayo maamul aan hanaan gooni isu taag ah ku dhawaaqin balse sida dal madax banaan u dhaqmaya, tanina isku dhac badan oo iyaga iyo dowladda dhexe ee Federaalka ah ayey horseedeysaa.

Maamulkii hore ee Puntland ee uu hoggaamin jiray Dr. C/Raxmaan Faroole waxay Soomaalida u arkaysay mid bulshada sii kala fogeynaya oo abuurayey naceyb ay isu qaadaan dadka Soomaaliyeed ee gobalada Puntland iyo bulshada ka soo jeeda bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, taas oo keentay doorashadii Cabdiweli Gaas ee 8-dii Janaayo 2014 in ay Soomaali oo dhan si kal iyo lab ah ugu guuxdo.

Sanad kaddib marka la eego ilaalinta danaha heer qaran waxaa muuqaneysa in maamulkii Faroole uu kaga wanaagsanaa kan Cabdiweli Gaas ee haatan jira. Tusaale ahaan maamulkii Faroole wuxuu adeegsan jiray magaca Maamul-Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, iyadoo dhanka Luuqadda Ingiriiskana loo qori jiray PUNTLAND STATE OF SOMALIA, balse hoggaanka Cabdiweli Gaas waxay magacaasi ku bedeleen DOWLADDA PUNTLAND oo Ingiriiskana lagaga dhigay PUNTLAND GOVERNMENT.

Dhammaan hey’adaha heer maamul-gobaleed ee Puntland ayaa la siiyey sumadda ‘Qaran’, iyadoo Hay’adaha hoos imaanaya sida TV-ga Puntland loo yaqaano Telefeshin-ka Qaranka Puntland, Hay’adaha nabadgelyada iyo Guddiyada qaarna sidoo kale waxaa lagu qaddariyaa heer Qaran.

Intaasiba aaraar ku sin oo aan gunta u soo dhaadhacnee shalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 13-ka Janaayo 2015, Maxkamadda darajada 1-aad ee Garoowe waxay xabsiyo ciqaab adag ah ku ridday shaqsiyaad ka mid ah bulshada gobalka Mudug qeybtiisa Puntland, kuwaas oo lagu xukumay xabsiyo ka bilowda 10 sanadood illaa xabsi daa’im.

Eedda loo cuskaday xukunadaasi ayaa ah mid su’aal weyn dhalisay kaddib markii dadkaasi xukunaddooda lagu saleeyey in ay galeen Khiyaamo Qaran, Khiyaamadaasi qaran waxaa lagu macneeyey in ay ka qeyb galeen madasha maamul u sameynta ee gobalada dhexe oo ah gogol taalla magaalada Cadaado ee bartamaha Soomaaliya.

Dadka la xukumay oo isugu jiray hoggaamiye dhaqameedyo, Culumo, Aqooyahanno iyo Xildhibaan hore ayaa waxay gogosha u tageen in ay ka qeyb galaan iyaga oo matalaya deegaanadooda oo ah dhanka waqooyi ee Gobalka Mudug oo ka kooban Degmada Goldogob iyo Qeybta Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo.

Tagidda Cadaado oo ah magaalo Soomaaliyeed sinna looguma fasiri karo dembi khiyaano Qaran ah, marka lagu daro hawsha ay u tageen oo ah dib u heshiisiin iyo dhisidda maamul ay yeeshaan gobalada Mudug iyo Galgaduud iyaduna waxay noqon laheyd hawl si heer qaran ah loo bogaadiyo, balse maxkamada Darajada 1-aad ee Garoowe waxay ku fasirtay Khiyaamo Qaran, waxayna 14-kaas Xubnood ee ka soo jeeda Waqooyiga Mudug ku tilmaantay Khaa’inul wadaniyiin.

Sababta ay dadka maamulka Puntland ula tiigsadeen eedda halkaas gaarsiisan, balse aan dawgeeda la marsiin ayaa is weydiin u baahan. Waxaana aniga is weydiiyey:

1. Puntland ma qaran ayey noqotay, haddii ay jawaabtu tahay Haa goormey qaadatay go’aankaas, haddiise ay jawaabtu tahay maya dowladda Dhexe ee Federaalka oo ah hay’adda Qaran ee ugu sarreyso dalka soo ma fidin gogoshaas?

2. Haddii ay Puntland qof Khiyaamo qaran ku eedeyneyso ma jiraan dad kuwan la iska eedeeyey kaga habboonaa in lagu oogo khiyaamo qaran oo Puntland ku sugan?

3. Saameyn intee la eg ayey arrinta ay 14-kaas qof sameeyeen ku yeelaneysaa mustaqbalka Cabdiweli Gaas haddii maamulka Gobaladaas loo dhisaayo uu hagaago.

Jawaabaha aan helay ayaa waxay noqdeen kuwo la igu diidi karo balse aan is leeyahay waxay abbaarayaan runta.

Su’aasha koowaad haddii aan abbaaro waxaa jira qodobo ka mid ah Dastuurka Puntland oo ay is diidayaan dastuurka KMG-ka ah ee Federaalka.

Tusaale, Qodobka 3-aad ee dastuurka Puntland, Farqaddiisa 2-aad ayaa waxay leedahay: Xadduudaha Puntland waa kuwii ay la laheyd gobalada Soomaaliya dagaalkii Sokeeye ka hor, Midnimada Puntland waa Muqaddas waana lama taabtaan; dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeeda sare.

Dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya ee haatan qabyada ah wuxuu dhigayaa in Soomaaliya ay ka kooban tahay 18-kii gobal ee jiray inta aysan dhicin dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu hormuudka ka ahaa madaxweyne Maxamed Siyaas Barre. Labo gobal iyo wixii ka badan ay isku raaci kara in ay noqdaan maamul-gobaleed Federaalka ka mid ah. Balse dastuurka Federaalka ma ogola in gobal ka mid ah gobalada inta la kala gooyo ay qeyba meel raacdo, taas oo haddii la aqbali lahaa keeni laheyd is qabqabsi iyo khilaaf ka baahsan kan haatan jira.

Dastuurka Federaalka ee sidaasi dhigaya waxaa dejintiisa gacan weyn ka geysatay Puntland, iyadoo aan xusi karno shirarkii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 ee lagaga hadlayey diyaarinta dastuurka iyo ka gudbidda KMG-ka oo ay Puntland marti gelintooda laheyd.

Fursadaha uga Furnaa Puntland arrintan ayaa aheyd in ay sameyso labo arrimood middood.

1. In ay dhammaan dadka reer Mudug ku casuunto in ay Puntland qeyb ka noqdaan, si ay xaquuqdooda u helaan, Puntland-na ay uga baxdo mushkiladda ka dhalaneysa muranka Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobalka Mudug.

2. In Puntland ay aqbasho in Mudug ay raacdo Galgaduud si ay u noqdaan Maamul Gobaleed dhameystiran, balse ay ku gorgortanto danaheeda gobaladaas kaga xiran.

Labadaasi arrimoodba ma aysan dhicin, balse Puntland duuduub ayey arrinta u diidday xitaa iyaga oo og in Dastuurka Federaalka dhexe uu dhigayo si aysan marna ku gar heleyn.

Hawraarsan oo aan Su’aasha Labaad jalleecee Puntland waxay 14 qof ugu xukuntay in ay Cadaado tageen oo ka qeyb galka shirka aqbaleen, iyagoo weliba marka Puntland la eego sida ay beelaha u kala degan yihiin qeybta la isku heystaa ay tahay toodii gaarka aheyd.

Madaxtooyada Puntland waxaa qeyb ka deggan Axmed Cabdi Xaabsade oo ahaan jiray Wasiirkii Amniga ee Puntland oo kaddib markii ay isdagaaleen hoggaankii Hore ee Puntland u goostay dhanka Soomaaliland, kaddibna Gobalka Sool guud ahaan iyo gaar ahaan magaalo madaxdiisa Laascaano u gacan geliyey Soomaaliland.

Xaabsade wuxuu xilal dhawr oo heer wasiirka ah ka soo qabtay Soomaaliland inta uusan haatan dib u soo goosan. Haddii la qiimeeyo waxa uu sameeyey waxaa la dhihi karaa Puntland Gobal dhan oo ay sheeganeysay ayuu ka geliyey gacanta Maamul ay isku hayeen lahaanshaha, haddii hindho qaran lagu eegana Gobal Soomaaliyeed oo madax banaanaa ayuu Maamul gooni u goosad ah oo Midnimada ka baxay gacanta u geliyey.

Taasi bedelkeeda Xaabsade waxaa Puntland ku soo dhoweeyey Cabdiweli Gaas oo haatanba Madaxtooyada Puntland ayuu aad ugu dhaw yahay Garoowe ayuuna Joogaa, mana muuqaneyso in wax dacwad ah lagu soo oogi doono.

Magan Alla! Aan iyadana wax yar ka iraahdo su’aasha ugu dambeysay ee ah saameyn noocee ah ayey arrintani ku yeelaneysaa Dr. Cabdiweli Gaas haddii dadka reer Mudug ee Puntland ay go’aansadaan in ay ka qeyb noqdaan Maamulka Bartamaha Soomaaliya.

Cabdiweli gaas wuxuu ka soo jeedaa Gobalka Mudug gaar ahaan dhankiisa waqooyin ee Gaalkacyo, wuxuu xilka Puntland ku hayaa ka qeyb ahaanshaha ay deegaanadaasi ka mid yihiin Puntland, balse haddii la isku raaco in ay Bartamaha Soomaaliya soo raacaan waa inuu xilkiisa iska casilaa oo deegaanada Puntland u soo haraya ee Nugaal iyo Bari iyo weliba deegaanada ay sida wada jirka ah ula sheegtaan maamulada Khaatumo iyo Soomaaliland waa in ay dadka deggan u tashadaan.

Sidaas darteed Cabdiweli Gaas iyo maamulkiisa sinna uguma cuntameyso in ay aqbalaan wax ka soo baxay shirka Cadaado maadaama ay xilalka ay haatan hayaan saameyn adag ku yeelanayso.

Dadka deggan waqooyiga Mudug mar walba dhaliilo ayey ka tirsadaan maamulka Puntland ee Garoowe fadhiya, iyagoo ku eedeeya in aan deegaanadooda la siin ahmiyaddii ay lahaayeen ee dhanka ammaanka iyo tayeynta maamulka taas oo keentay in ay marar badan gadoodaan amaba hoggaamiye dhaqameedyadooda loo xiray Gadoodka dartiis.

Luuqadda adag ee Maamulka Puntland ee haatan xilka haya u adeegsanayo ka hortagidda maamulka gogoshiisa la dhigay Degmada Cadaado ayaa wuxuu abuurayaa jawi u eg in madaxda Puntland ay u dhaqmaan sida dal deris la ah Soomaaliya oo dano walba ee la qabanayaana in labada dal ka wada tashadaan ay qasab noqoneyso.

Puntland waxaa looga fadhiyaan in ay tusaale wanaagsan u noqoto maamulada dhismaya ee ka hana qaadaya Soomaalia maadaama ay uga horreysay dhismidda, balse dhaqanka madaxda haatan hogganka Puntland heysaa ma muujinayo dareenkaas keeni lahaa ku hirashada iyo isu soo muhashada bulshada.

Waxa kaliya ee aadka u muuqdaa waa in Madaxda haatan ee Puntland ay abuureen jawi siyaasadeed dadka geliyey hubanti la’aan dhanka midnimada dalka ah iyo jahwareer mustaqalka ah.

Ugu damneyntii, Hab maamulka Puntland ee u eg in ay ka goosteen Soomaaliya haddii uu yahay mid go’aan ah madaxda ha u bandhigto Ummadda reer Puntland si ay aayahooda iyaga go’aan uga gaaraan, haddiise uu yahay qalad farsamo maamulka waa inuu saxaa qaladaadkaasi farsamo ee keenaya hummaaga shakiga gelinaya midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Dhaliil iyo talo ku soo hagaaji Abukar.albadri@gmail.com