Soo bandhigid musharixiinta xildhibaanada 2016 ee Beesha Bandhawoo

0
Saturday May 21, 2016 - 15:57:18 in Local News by Sub Editor - Ayub Ismail
  • Visits: 1278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo bandhigid musharixiinta xildhibaanada 2016 ee Beesha Bandhawoo

    Mudanayaal iyo Marwooyin, Beelweynta Bandhabow ee ka mid ah Qowmiyadda Banaadir, kaddib shir weyne ay ku yeelatay magaalada Muqdisho kagana faallootay, masiirka Bandhabow ee siyaasadda iyo kan guud ee ummadda Soomaaliyeed waxaa ay beeshu ku qaadatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudanayaal iyo Marwooyin, Beelweynta Bandhabow ee ka mid ah Qowmiyadda Banaadir, kaddib shir weyne ay ku yeelatay magaalada Muqdisho kagana faallootay, masiirka Bandhabow ee siyaasadda iyo kan guud ee ummadda Soomaaliyeed waxaa ay beeshu ku qaadatay go'aanno masiiri ah.

BEELWEYNTA BANDHABOW

Tr. 21/05/2015

Ujeeddo:          Soo bandhigid musharixiinta xildhibaanada 2016 ee Beesha Bandhawoo

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Beelweynta Bandhabow ee ka mid ah Qowmiyadda Banaadir, kaddib shir weyne ay ku yeelatay magaalada Muqdisho kagana faallootay, masiirka Bandhabow ee siyaasadda iyo kan guud ee ummadda Soomaaliyeed waxaa ay beeshu ku qaadatay go’aanno masiiri ah.

Kulamaddii isdaba joogga ahaa iyo shirweynaha beelweynta Bandhabow waxaa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xaaladda ay ku sugan tahay beesha iyo heerkeeda siyaasadda, taas oo la isla gartay in muddaddii ay jireen dowladihii KMG-ka ahaa iyo xilliga 4-ta sano ee  ay jirta dowlada rasmiga ah intaba dadkii beesha ku matalaayey masiirka siyaasadeed waa ay ku fashilmeed qodobada soo socda.

1.     In ay wax u qabtaan dhalinyarada, haween iyo qeybaha jilicsan ee bulshada.

2.     In ay ka soo dhalaalaan kaalintii looga baahnaa ee ah in ay doorkooda ka qaataan deeqihii waxbarasho ee ay Soomaalida qeybsaneysay, taas oo ay ku fashilmeen.

3.     In ay shaqaaleysiiyaan dhalinyarada aqoonyahanka ah ee jaamacadaha ka soo baxday.

4.     In ay bulshada Bandhabow wacyigeeda kor u soo qaadaan, isla markaasna dhibaatooyinka lagu hayo ka dulqaadaan.

5.     In ay samata bixiyaan dhalinyarada iyo aqoonyahanka beesha ee sida gardarada ah lagu xirayaayey markii loo baahdo.

Sidaas darteed, wadahadallo iyo falanqeyn dheer oo muddo soo socotay iyo kulan guud ee ay yeesheen Bandhabow waxaa la isku af gartay in beesha ay si kama danbeys ah go’aan uga gaartay masiirkeeda isla markaasna soo gudbineyso dadkii uga wakiilka noqon lahaa xildhibaanimada doorashooyinka 2016.

Beesha Bandhabow, iyada oo isku duuban waxaa ay isku raacday in:

1.     Shaqsiyaadka kala ah, Drs. Caasho Maxamuud Xuseen (Shuuto) iyo Prof. Aweys Maxamed Xaagi (Oboy) ay yihiin shaqsiyaadka beesha ay u dooratay xildhibaanimada 2016, ayna yihiin shaqsiyaadka heysta kalsoonidda Bandhabow.

2.     In Shaqsiyaad aan iyaga aheyn qofna ku soo qori Karin kuraasta Baarlamaan ee ay Bandhabow xaq u leedahay, isla markaasna kuraastaas aayo ka talintooda ay Bandhabow u madax banana tahay, una dooratay labada qof eek or ku xusan.

3.     In Shaqsiyaadkii horey ugu fashilmay xilalkii ay beesha Bandhabow u hayeen aan lagala tashan Karin arrin la xiriirta masiirka Bandhabow, ciiddii sidaas sameysana ay ku xadgudubtay qadiyada Bandhabow.

Sidaas darteed, waxaan ka codsaneynaa Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya, madaxda maamul Gobaleedyada iyo Guddiyada Doorashooyinka in ay la shaqeeyaan shaqsiyaadkan ay Beesha Bandhabow ee Qowmiyadda Banaadiriga u xulatay in ay Baarlamaanka Ku matalaan.

 

Wa billaahi Towfiiq