Ku dhawaaqidda odey dhaqameedka golaha odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta ah uga mid noqonaaya 16ka Odey dhaqameed ee Shingaani – Odayaasha dhaqanka ee xulaya baarlamaanka!

0
Wednesday June 15, 2016 - 18:54:29 in Local News by Sub Editor
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku dhawaaqidda odey dhaqameedka golaha odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta ah uga mid noqonaaya 16ka Odey dhaqameed ee Shingaani – Odayaasha dhaqanka ee xulaya baarlamaanka!

    Golaha Odayaasha dhaqanka Banaadiriga qeybtooda Shingaani ee 16-ka odey waxaa ay si wada jir ah u doorteen in Ugaas Caydaruus Xaaji Cumar Xaaji Cali, oo ah Ugaaska Ugaasyada Shingaani uu ku metelo Golaha Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xuli do

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Odayaasha dhaqanka Banaadiriga qeybtooda Shingaani ee 16-ka odey waxaa ay si wada jir ah u doorteen in Ugaas Caydaruus Xaaji Cumar Xaaji Cali, oo ah Ugaaska Ugaasyada Shingaani uu ku metelo Golaha Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xuli doona Baarlamaanka.

Ku dhawaaqidda odey dhaqameedka golaha odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta ah uga mid noqonaaya 16ka Odey dhaqameed ee Shingaani – Odayaasha dhaqanka ee xulaya baarlamaanka!

Golaha Odayaasha dhaqanka Banaadiriga qeybtooda Shingaani ee 16-ka odey waxaa ay si wada jir ah u doorteen in Ugaas Caydaruus Xaaji Cumar Xaaji Cali, oo ah Ugaaska Ugaasyada Shingaani uu ku metelo Golaha Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xuli doona Baarlamaanka.

Ugaas Cumar oo ah Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Shingaani, waxaa uu noqonayaa xubinta sida rasmiga ah u mataleysa Shingaani ee uga wakiilka noqoneysa reer Banaadir golaha Odayaasha 135-ta Xubnood ah, halkaas oo uu ku fadhiyo kalsoonida buuxda ee ay siiyeen dhammaan 16-ka odey dhaqameed ee Shingaani, isagoona si guud ugu adeegi doona bulshada Banaadiriga guud ahaan.

"Ugaas Caydaruus Xaaji Cumar waxaa lagu doortay madal wadajir ah oo ay Cadaaladi ka jirto sanadkii 2012-kii, balse musuqmaasuq ay sameeyeen Siyaasiin aan banaadiri aheyn iyo kuwo daneystayaal ah darteed ayaa looga reebay liiska odayaasha 135-ta ahaa” Sidaas waxaa yiri Guddoomiya ku xigeen duubaba ka shangaani Nabadoon Cabdullahi Siidcali Xaaji Da’uud.

 

"dhammaan 16-ka odey dhaqameed ee Shingaani waxaa ay ku boorrinayaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda arrimaha Gudaha in ay xilkiisa ku xushmeeyaan, isla markaasna u fududeeyaan dhammaan tasiilaadka uu uga baahan yahay”

 

Golaha Odayaasha Shingaani waxaa ay ka codsanayaa beesha caalamka in ay culees ku saarto dowladda iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay bulshada la dulmiyo u ogolaadaan in ay xaquuqdooda siyaasadeed iyaga go’aan ka gaaraan, heer qaran, heer gobal iyo heer bulsho.