Magacaabid 4ta xubnood ee gudiga doorashada ee beelaha banaadiriga

0
Thursday August 11, 2016 - 22:07:00 in Local News by Sub Editor
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacaabid 4ta xubnood ee gudiga doorashada ee beelaha banaadiriga

    Magacaabid 4ta xubnood ee gudiga doorashada ee beelaha banaadiriga S/N Liiska magaca Gudiga Doorashada Banaadiriga 1. C/risaaq C/laahi Maxamed 2. Safiyo Shariif Cusmaan (Bilow) 3. Caasho Malaaq Mahdi Xaaji Nuurow 4. Cumar Xaaji Suuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacaabid 4ta xubnood ee gudiga doorashada ee beelaha banaadiriga S/N Liiska magaca Gudiga Doorashada Banaadiriga 1. C/risaaq C/laahi Maxamed 2. Safiyo Shariif Cusmaan (Bilow) 3. Caasho Malaaq Mahdi Xaaji Nuurow 4. Cumar Xaaji Suufi Maki

Ku: Seddexda (3) Oday dhaqameedyada Banaadiriga ee 135ta
OG: Ra’iisul Wasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliya
Md. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke

Ujeedo: Magacaabid 4ta xubnood ee gudiga doorashada ee beelaha banaadiriga

Markey arkeen odayaasha dhaqanka beelaha banaadiriga warmurtiyeedkii kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga qaran ee ka dhacay Muqdisho 2-9 Agoosto 2016 ee ku qeexnaa sida tan:
a) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka, isagoo la tashanaaya odey dhaqameedyada beelaha Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta oday dhaqameed iyo nabad-doonnada beesha, waxaa uu soo magacaabayaa afarta (4) xubnood oo ah guddiga doorashada ee beesha Banaadiriga


b) Seddexda (3) Oday dhaqameedyada Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta oday, iyagoo la tashanaaya Raisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Guddiga Doorashada beesha Banaadiriga, waxa ay soo xulaayaan 21 Ergo-doorasho oo ku saleysan toddobo beel hoosaad oo min saddex xubnood ah (7X3=21).
c) Ergada-doorasho ee ah 21 xubnood ayaa u codeynaaya musharixiinta u tartamaaya in ay ka mid noqdaan Aqalka Sare.
d) Odayaasha dhaqanka Beesha Banaadiriga ee ku jira liiska 135ta xubnood oo la tashanaya nabadoonnada beelaha Banaadiriga ah ayaa soo magaacabaya musharixiinta u tartameysa Aqalka Sare
e) Ugu dambeyn waxaa Odayaasha dhaqanka loo xilsaaray inay qaybinta kuraastaasi ka soo wadatashadaan meelmarinta kama dambeysta ahna ku soo wargeliyaan R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kadib markey arkeen odayaasha dhaqanka beelaha banaadiriga warmurtiyeedkani lana tashteen odayaasha kale ee beelaha banaadiriga ka kooban yahay waxay isku raaceen 4 xubnood ee gudiga doorashada xubnaha beelaha banaadiriga ugu mid noqonayo aqalka sare iyo midka hoose ee golaha shacabka ee dawlada federaalka soomaaliya.

Magacyada afarta xubnood ee ay isku raaceen odayaasha dhaqanka ee beelaha banaadiriga waa kuwa soo socda:

S/N Liiska magaca
1. C/risaaq C/laahi Maxamed
2. Safiyo Shariif Cusmaan (Bilow)
3. Caasho Malaaq Mahdi Xaaji Nuurow
4. Cumar Xaaji Suufi Maki