PROF. ABDULLAHI SHEEK MANUR oo uga jawaabay Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan qormadiisii "SOOMAALIDA IYO LAHJADDA MAAYGA"

0
Thursday January 20, 2022 - 14:16:52 in Local News by Chief Editor
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PROF. ABDULLAHI SHEEK MANUR oo uga jawaabay Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan qormadiisii "SOOMAALIDA IYO LAHJADDA MAAYGA"

    Qoraalka Khaliil oo ku soo baxay Mareegta wardheernews.com/soomaalida-iyo-lahjadda-maayga/ taariikhud markii ay aheyd August 15, 2021 ayuu Dr. Abdullaahi kaga jawaabay Maqaalkan oo uu ugu horreyn u diray isla Mareegta Wardheer, taas oo ka gaabsatay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Abdullahi Sheek Manur (C) Dr. Abdullahi Files
Qoraalka Khaliil oo ku soo baxay Mareegta wardheernews.com/soomaalida-iyo-lahjadda-maayga/ taariikhud markii ay aheyd August 15, 2021 ayuu Dr. Abdullaahi kaga jawaabay Maqaalkan oo uu ugu horreyn u diray isla Mareegta Wardheer, taas oo ka gaabsatay in ay soo bandhigto Jawaabta, muujisayna in aysan dhexdhexaad aheyn.



MAAYGU WAA AF RASMI AH – Jawaab ku socota Qormada Khaliil,

Qalinka: Prof. Abdullahi Sheek Manur, Bare Jaamacadeed.

Sida uu qormadiisa ku xusan mareegta kore ku sheegay Khaliil, Soomaalidu waa hal qowmiyad waana isku af sida dastuurka ku qoran. Waxaa daliil u ah labada lahjadood Maay iyo Maxaa ama Maay tarri iyo Maxaa tiri midna malaha labada dhawaaq kala ah V iyo Z oo Laatiinka la qaatey leeyahay. Af waxaa kala durkiya ama kala fogeeya arrimo badan sida dhaqan dhqaale, la deris, iyo la dhaqan iyo la ganacsi dayoow kale iyo deegaan beddelesho, guur guurid iyo kala fogaasho. Af Soomaaligana intaas kama baxsana. Tusaale ahaan lahjadda Maxaaga waxaa aad u soo dhex galey afaf kale oo carabiga ugu horreeyo. Seddaxda xaraf ee kala ah (x, kh iyo c) oo Maxaaga kaliya ku jira Maayga aan ku jirin waxeey ka yimaadeen Carabiga. Sharif Saalah Mahamed Ali (AUN) wuxuu aaminsanaa in kala durkidda Maay iyo Maxaa u yahay keliya 10% sida ay ku qoreen MustafaCabdullaahi Fayruus & Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax buugooda "Haldoor-Taariikh nololeedkii iyo Dhaxal-cilmiyeedkii Shariif Salah Mahamd Ali 2018".

Waxaa wax lag xumaado ah in turjumaad loo baahdo Soomaalida dhexdeeda oo Maay iyo Maxaa ku kala hadasha. Tusaale ahaan, laga soo billaawo 1956 ilaa 1968kii, Barlamaanka Soomaaliyeed gudihiisa waxaa lagaga hadli jirey Maay, Maxaa, Carabi, Taliyaani iyo Ingriis. Xildhibaan kasto xur buu ahaa waana loo kala tujumaayey cuqdad iyo is xaqiraadna ma jirin. Laakin bannaanka iyo nolosha caadiga Soomalida Maxaaga had iyo jeer waxeey isku deyaayeen ineey xaqiraan ama hoos u fiiriyaan Lahjadda Maayga iyagoo dhahi jirey weerta foosha xun "wayaa af Soomaali ku hadal” maadaama ficilka reer guraanimada iyo siyaasadda kaga dheereeynayeen Maayga.

Laakin sida uu aminsantahay qoraagu, keliya Soomaalida Maxaaga uma baahneen turjumaad, Soomalida Maaygana way u baahneed turjumaad maxaa yeeley may garaneyn Maxaaga. Soomaalida Maxaaga qaarkood oo muujinaya inaysan garaneyn Maayga iskuma deyayaan habatyaraatee ineey u fikiraan si aay u fahmaan ama u gartaan wixii qofka Maayga ku hadley ama sheegey sababtoo ah siyaasadda takoorka Maayga iyo weeyneenta Maxaaga (Linguistic chauvinism) ayaa qalbiga ooga jira, halka dadka Maayga ku hadla ay isku deyi jireen iney fahmaan waxaa uu sheegayo qofka Maxaaga ah oo isla weyni iyo yasid Maxaaga ku jirin. Maadaama xeeldhheerayaasha afafka ay qabaan ama aaminsanyihiin in 70% ama ka badan labada lahjadood isku mid yihiin waa in lays fahmi karaa iyadoo ing yar lagu fakero ama war bal iigu celi maxaa tirri lays yiraahdo ha ahaatee haddii niyad sami ay jirto.

Fikradda dheheeysa in Soomaalida lahjadda Maayga ku hadasha ay garanayaan lahjadda Maxaaga waa been ogaan iyo ola kac loo faaftey maxaa yeeley dadkaas uma dhalanin si qasab ahaa Maxaaga lugu barey. Ujeedana waxeey aheed in lahjadda Maayga iyo dhaqankeeda la baabi’iyoo la dilo iyadoo la adeegsanaayo siyaasad iyo awood dawladeed kaasoo ka mid ah siyaabaha af iyo dhaqankiisa lagu dili karo sida uu qabo Michael Blake uu maqaalka "Language death and liberal politics” oo uu ku qorey joornaalka Language rights and political theory cadadkiisa 2003/5/29 2003). Sidaas dafteed ayaa Soomaalida Maayga ku hadasha Maxaaga ku qasbey Askartii Maxamad Siyaad Barre. Si kastaba ha haatee Dowladdas si wey u dadaashey oo ummadiibeey qoris iyo akhris bartey laakin caddalad darro xoog leh iyo xaqiraad bay ku sameysey dadka Soomaalida Maayga ku hadla.

Run ahaantii shaqada dowladdii askarta qabatey guul weeynbaa lagu gaarey. Ummad 5-10% keliya wax ka qori kartey ama akhrin kartey ayaa 45-50% baratey ineey wax qoraan waxna akhriyaan. Waxaa intaas dheeraa in ummadda aay ku buraarugtey adeegyada bulshada sida caafimaadka, wax barashada, dhaqaalaha, IWM indhaha ku kala qaadey.

Hase yeeshee, waxa Af Soomaali ahaan loo qorey waxeey ahaayen uun lahjadda Maxaaga oo loogu magac darey "Afka hooyo” iyadoo haba yaraatee la tix gelinin dhawaaqyada u gaarka ah lahjadda Maayga iyo xarfahooda. Waxeey eheed ku xad gudub xuquuqda aadmiga aad u fool xun. Dhanka kale, ka tagidda lahjadda Maayga khasaaro weyn bay aheed maxaa yeeleey waxaa laga yaabaa in ilbaxnimmo qaali ahaan leheed oo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ka faaideysan laheyd aay lumi kartey amaba lunteyba.

Waxaan Soomaalida xusuusinayaa in Askarta ay awood milatery ku maquunisey laakin guddiga af Soomaaliga oo isugu jirey xubno Maay iyo Maxaa ku kala hadla uu soo jeediyey in ugu yaraan labada dhawaq kala ah "ng” iyo "jh” oo ah labada xaraf ee leengka seddaxaad midigta u jira lagu daro farta af Soomaaliga sida ku cad naqshadda hoose oo ah fartii Shire Jaama soo jeediyey guddigana la qaatey. Xarafka afaraad ee leengka koowaad guddigaa wuxuu xarafka "ch” ku beddeley xarafka "x” inta kale sideedaa loo qaatey waana midda haddaba la adeegsado.



Tan kale, aniga ma garanayo in qoraagu ogaal la’aan hayso iyo in ay xaqiraad ka tahay aaminsanaatiisa in lahjadda Maayga lagaga hadlo keliya meel koofurta Somaliya ka mid ah. Maayga waxaa looga hadlaa inta meelood ama dal (Somaliya, Keenya iyo Itoobia) oo Maxaaga lagaga hadlo marka laga reebo Jabuuti.

Marka isla jaan qaadid la’aanta labada lahjadood Af Soomaaliga - Maay iyo Maxaa waxaa sabab u ah Soomalida ku hadasha lahjadda Maxaaga oo iyagu mar kasta isku dayi jirey haddana qaarkood isku daya ineey xaqiraan lahajadda Maayga. Waxaa mahad iyo bogaadin u jeedinayaa in badan Soomaalida Maxaa ku hadasha oo garowsadey xaqa Maayga iyo dhaqankiisa wiliba qaar badan billaabeen iney u ololeeyaan. Annaga ma necbanin mana xaqireyno Maxaaga waa Af Soomaali qaar Maxaaga ku hadla waa ineey iska daayaan xaqiraaadda. Lababda lahjadood wey is kaabayaan waa in la wada hormariyaa sida Maxaaga fursad loo siiyeey hantida qarangka lugu hormariyey waa in Maaygana loo siiyaa fursd laguna hormariyaa dhaqaalaha qarangka.

Qofka Maayga ku hadlaayo meel Soomaali dhong joogto waa xaq uu leeyahay cidna kumaqasbi karto inuu maxaa ku hadlo sida kang Maxaaga uu xaq ugu leeyahay inuu ku hadlo Maxaagiisa aan cidna ku qasbi Karin inuu Maay ku hadlo. Ki garanaayo waa gran kang kalena ha weeydiiyo inta garaneysa waxa la shegey. Waxa ka socda baraha bulshada iyo meelaha kale kacdoon iyo dhaqadhaqaaq xurnimo doon ah lugu sugaayo Maayga waaye. Maay iyo Maxaa waa ineey laba lahjadood af Soomali oo siman ahaadaan sidaasna ay ugu qornaadaan dastuurka qarangka iyadoo midna mid kale ka sarreyn. Cadaalddu ha hirgasho.

Wixii dhaliil ah ku soo hagaaji shemanur@hotmail.com