• Home
  • About Us
  • News
  • Sports
  • Editorial
  • Opinion
  • Culture
  • In Pictures
  • Videos
  • Contact Us
  • Archive
Search
Facebook
Twitter
Youtube
Logo
  • Home
  • About Us
  • News
  • Sports
  • Editorial
  • Opinion
  • Culture
  • In Pictures
  • Videos
  • Contact Us
  • Archive
  • Home
  • About Us
  • News
  • Sports
  • Editorial
  • Opinion
  • Culture
  • In Pictures
  • Videos
  • Contact Us
  • Archive
Logo
Facebook
Twitter
Youtube
  • Home
  • About Us
  • News
  • Sports
  • Editorial
  • Opinion
  • Culture
  • In Pictures
  • Videos
  • Contact Us
  • Archive
Logo
  • Home
  • About Us
  • News
  • Sports
  • Editorial
  • Opinion
  • Culture
  • In Pictures
  • Videos
  • Contact Us
  • Archive

BEESHA ASHARAAF OO SI GUUD ISUGU RAACDAY IN PROF. LUTFI SHARIIF MAXAMED CUMAR UU YAHAY XUBINTA FADHIISANEYSA KURSIGA AY BEESHA KU LEEDAHAY KURAASTA BAARLAMAANKA EE BEELWEYNTA BANAADIRIGA.

June 23, 2016
Share
Facebook
Twitter
Pinterest
WhatsApp

    Muqdisho – Shir guud oo ay manta Beesha Aala Beyt-ka Soomaaliyeed ee Asharaaf ay ku yeelatay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay beeshu isku raacday in ay si buuxda ugu caleemo saaratay in xubinta Xildhibaanimo ee beeshu ku leedahay kuraasta Beelweynta Banaadiriga uu ku matalo Prof. Lutfi Shariif Maxamed Cumar oo ah Guddoomiyaha Golaha Isbedel-doonka Siyaasadda Banaadiri ee BPRC.
    Ugaaska guud ee beesha aalabeyt-ka Soomaaliyeed ee Asharaaf Ugaas Shariif Cabdullaahi Sayid-Cali Xaaji Daa’uud ayaa ku nuuxnuusaday in Beeshu ay dooneyso in ay kursiga geyso qof aqoon, karti iyo aragti fog oo siyaasadeed leh, kaas oo sida ay beesha isku raacday loo arkay in uu yahay Dr. Lutfi.

    “Aaya ka talinta dadka kuraasta baarlamaanka noo fadhiisanaayo iyo dadka nagu matalaayo fagaarayaasha siyaasadda anaga ayaa xaq buuxa u leh, waana xaq lama taabtaan ah” ayuu Yiri Ugaas Shariif C/Laahi.

    “Prof. Lutfi waa nin da’ yar, aqoon yahan ah, karti, hufnaan iyo aragti fogaan isku darsaday, sidaas darteed waxaa uu heystaan kalsoonida buuxda ee beesha Asharaaf, isaga ayaa kursiga Baarlamaanka nagu matalaayo, isaga Ayaan xulanay, isaga ayaana ah wakiilkeena buuxa” ayuu raaciyey Ugaaska.

    Ugaas Shariif Cabdullaahi Sayid-Cali Xaaji Daa’uud waxaa uu dawladda Soomaaliya ka dalbaday in ay la shaqeyso murashaxa xilka ay beesha u xulatay, isla markaasna wax ka qabato haddii ay jiraan dad wax is dabamarin doonaya.

    Sidoo kale waxaa shirkaasi ka hadlay Ugaasyo iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay shirkaas, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey Dr. Lutfi, uguna duceeyey in xilkaas uu ALLAAH SW la garab galo.

     

    Inta uu shirka socday waxaa halkaasi laga aqriyey warqad ay si wada jir ah u saxiixeen dhammaan hoggaanka dhaqanka Asharaaf oo kala ah.

    1.Shariif Cabdullahi Seyid-Cali Xaaji-Daa’uud – Ugaaska Guud ee Beesha Asharaaf

    2.Shariif Aba-camir Shariif Shalongo Cali Cumar

    3.Shariif Mash-huur Shariif Maxamed Nadiir Sangaaf

    4.Shariif Maxamed Aba-axmed Seyid-Rasuul Maxamed

    5.Shariif Cusmaan Shariif Cade Cali

    Warqaddan oo uu shirk aka aqriyay Shariif Mash-huur Shariif Maxamed Nadiir Sangaaf ayaa waxaa ay u qorneyd sida tan:

    Beesha Asharaaf oo iyada xubin Baarlamaan ka heleysa Beelaha Banaadiriga ayaa xubintaasi waxaa isu soo taagay labo aqoonyahan oo beesha ka wada dhashay, isla markaasna daneynayey in ay ku guuleystaan kalsoonida beesha Asharaaf. Labada xubnood ee isaga soo sharaxday waxaa ay kala yihiin:

    a)Prof. Lutfi Shariif Maxamed Cumar

    b)Mudane. Shariif Maxamed Xasan

    Kuwaas oo labadaba muujiyey in ay daneynayaan in ay baarlamaanka u matalaan beesha Asharaaf. Kaddib door dheer oo laga yeeshay arrinta iyo dib u eegis lagu sameeyey doorashooyinkii 2012-kii, ayaa waxaa la isla eegay labadan qodob.

    1)In 2012-kii ay labadan xubnood u soo wada istaageen xilkan, balse Prof. Lutfi Shariif Maxamed Cumar uu tanaasul u sameeyay Mudane Shariif Maxamed Xasan, sidaasna uu kursiga baarlamaanka xildhibaan ka hada ku fadhiya mudane Shariif Maxamed Xasan lagu magacaabay.

    2)In xilligaas laisla gartay in Prof. Lutfi uu yahay xubinta Keydka ah iyo xildhibaanka Mudane Maxamed Xasan bedeli doona marka uu xilligiisa dhamaado, taas oo la xaqiijiyey sida ku cad warqadii uu qoray odayga saxiixaha Beesha Banaadiriga ee sumaddeedu aheyd GDHQBB90-2012.

    Sidaas darteed, Beesha Asharaaf waxaa ay si buuxda u go’aansatay sida soo socota:-

    In Prof. Lutfi Shariif Maxamed Cumar uu yahay xubinta kaliya ee beesha Asharaaf ay isku raacay in ay u qabato xilka xubinimada Baarlamaanka Federaalka ah ee la dooran doono sanadkan 2016.

    Ugu danbeyntii Prof. Lutfi Shariif Maxamed Cumar, Guddoomiyaha Golaha Isbedel-doonka Siyaasadda Banaadiriga oo isaga oo ku suggan Xamarka Maka Al-Mukarama oo uu ku cimreysanayo la hadlay Qalin.net ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo kuna faraxsan yahay go’aanka ay beesha Aala Beytka Soomaaliyeed ee Asharaaf ku gaartay in uu isaga ku matalo Baarlamaanka Dhowaan la xulayo.

    “Waxaan soo dhoweynayaa go’aanka beesha, waxaan u mahadcelinayaa Ugaaska Guud iyo dhammaan Hogaanka Dhaqanka, waxaan kale oo u mahadcelinayaa aqoonyahanka, haweenka, dhalinyarada, Culumaa’udiinka iyo wax garadkii shirk aka qeyb galay, waxaana ALLAAH ka baryayaa inuu ila garab galo xilka ay ii igmadeen”

    Prof. Lutfi ayaa la filayaa in uu ka mid noqdo aqoonyahanka isbedel doonka ah ee la filayo in ay Xaaladda Dalka Soomaaliya wax badan ka bedelaan marka la dhiso baarlamaanka soo socda.

     

    Share
    Facebook
    Twitter
    Pinterest
    WhatsApp

      Related Articles

      Somalia: Al-Shabaab’s Growing Clan Divide and the Government’s Blind Spot!

      April 2, 2025

      EDITORIAL: Weaponizing Somalia’s Aviation Control Risks Triggering a Dange...

      October 2, 2024

      HIRSHABELLE Healthcare Crisis deepens as corrupt Authorities expel “ALIGHT” crit...

      September 25, 2024

      Facebook Feed

      Opinion

      EDITORIAL: Weaponizing Somalia’s Aviation Control Risks Triggeri...

      October 2, 2024

      HIRSHABELLE Healthcare Crisis deepens as corrupt Authorities expel “AL...

      September 25, 2024

      Somalia’s National Bureau of Statistics in “Deadlock”...

      September 23, 2024

      INAN HABOW AH- SHEEKO GAABAN! – Qalinka: Abukar Albadri, June 04...

      November 27, 2015

      DARBO INTA UUSAN DARKA KAA BUUXSAMIN: – Qormo waano kuugu filan!...

      May 23, 2015
      Logo

      Qalin News Inc. is Mogadishu based News Entity created to connect the Somali Diaspora & the international stakeholders to Somalia

      Quick Links

      • Home
      • About Us
      • News
      • Sports
      • Editorial
      • Opinion
      • Culture
      • In Pictures
      • Videos
      • Contact Us

      Contact Info

      • Hallstavik, Sweden
      • info@qalin.net
      Facebook
      Twitter
      Youtube

      Copyright © 2013 - 2023 Qalin News Inc. — All Rights Reserved.

      Site Designed by ILEYS INC.