• Home
  • About Us
  • News
  • Sports
  • Editorial
  • Opinion
  • Culture
  • In Pictures
  • Videos
  • Contact Us
  • Archive
Search
Facebook
Twitter
Youtube
Logo
  • Home
  • About Us
  • News
  • Sports
  • Editorial
  • Opinion
  • Culture
  • In Pictures
  • Videos
  • Contact Us
  • Archive
  • Home
  • About Us
  • News
  • Sports
  • Editorial
  • Opinion
  • Culture
  • In Pictures
  • Videos
  • Contact Us
  • Archive
Logo
Facebook
Twitter
Youtube
  • Home
  • About Us
  • News
  • Sports
  • Editorial
  • Opinion
  • Culture
  • In Pictures
  • Videos
  • Contact Us
  • Archive
Logo
  • Home
  • About Us
  • News
  • Sports
  • Editorial
  • Opinion
  • Culture
  • In Pictures
  • Videos
  • Contact Us
  • Archive

Xildhibaan Lufti Shariif Maxamed Cumar oo si weyn loogu soo dhoweeyey Qaaradda Yurub

February 6, 2018
Share
Facebook
Twitter
Pinterest
WhatsApp

    Rotterdam – Waxaa magaalada Rotterdam ee dalka Holland si weyn loogu soo dhoweeyey Xildhibaan Lutfi Shariif Maxamed Cumar oo xubin ka ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isla Markaasna ku matala Golaha Baarlamaanka Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay dalka Koonfur Afrika.

    Xildhibaanka oo hawlo shaqo ku kala bixinayey Dalal badan oo Yurub ka mid ah ayaa waxaa uu lugtii 1aad ee safarkiisa ka soo billaabay Magaalada Baariis ee dalka Faransiiska, halkaas oo uu kaga qeyb galay shir caalami ah isla markaasna wadahadallo kula soo yeeshay madax ka tirsan dalka Faransiiska, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya iyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Faransiiska.

    Xildhibaanka oo sidoo kalena hawlo shaqo ku soo maray magaalada Burusels ee caasimada Beljimka, isla markaasna ah Caasimadda Midowga Yurub ayaa waxaa intii uu meesha joogay kulamo la yeeshay xubno ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub, kuwaas oo ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib uga soo kabashada dagaaladdii aafeeyey.

    Xildhibaanka ayaa safar rasmi ah ku tagay caasimadda Dalka Holland ee Heyg (The Hague), halkaas oo ay isku arkeen Madax reer Holland ah oo ay isla qaadaan dhigeen sidii Dalka Holland uu Soomaaliya uga caawin lahaa dib u unkidda hay’adaha maamulka iyo kuwa adeegga bulshada. Wuxuuna uga sii gudbay Magaalada Rotterdam ee Dalka Holland, halkaas oo uu si guud ugula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed, si gaar ahna Jaaliyadda Asharaaf oo isaga kala timid Dalalka Ingiriiska, Iswiidhan, Norwey, Iswiizerlaan, Jarmalka, Biljim iyo goballo badan oo ka tirsan Dalka Holland.

    Kulanka Gaar ah ee uu la yeeshay Jaaliyadda Asharaaf ee Qaaradda Yurub oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin iyo odayaal ay ka mid ahaayeen Muhdaar Sharif Mohamed Baaba Sayid, Ahmed Shariif Hamza Bana-abow, Abdulkadir Sharif Hamza Imankiyow, Liibaan Shariif Mohamed Omar, Sharif Mohamed Sheylilah Hussien, Shariif Ahmed Zeyno, Shariif Mowlaanaa Sheylilaah, Abdifatah Sharif Hamza, Imaan Shariif Mohamed iyo wargarad iyo aqoonyahanno badan oo aan qoraalka lagu soo koobi karin ayaa waxaa lagaga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna arrimaha siyaasadeed ee sida gaarka ah u quseeya beesha Asharaaf, kuwaas oo isugu jiray ka mid noqoshada shaqaalaha dowladda, awood qeybsiga xilalka siyaasadda, diblomaasiyadda, ciidamada, iyo metelaadda heer federaal.

    Qabanqaabiyeyaasha shirka Mudane Shariif Ahmed Shariif Hamza Bana-Abow iyo Md. Shariif Abdulkadir Sharif Hamza Imankiyow ayaa iyaga oo ku hadlaya Magaca jaaliyadda Yurub waxaa ay xildhibaan Lutfi Shariif ku soo dhoweeyeen Rotterdam, iyaga oo u sheegay in ay ku faraxsan yihiin dadaalkiisa iyo wax qabadkiisa muddaddii yareyd ee uu xildhibaanka ahaa.

    Shariif Muhdaar Sharif Mohamed Baaba Sayid oo ku hadlay magaca Jaaliyadda ayaa si aad ah u amaanay Xildhibaan Lufti, isaga oo ku amaanay sida uu u soo dhiciyey xaquuqda Beesha Asharaaf ee metelaadda Baarlamaanka oo ay dad isku dayeen in ay duudsiiyaan. Wuxuuna Shariif Muhdaar Asharaaf oo dhan ugu baaqay in ay u midowdo danteeda isla markaasna iska kaashato difaacashada xaquuqdeeda siyaasadeed si nabadgalyo ah.

    Ugu Danbeyntii Xildhibaan Lufti oo qudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa u jeediyey jaaliyadda ayaa ku amaanay sidii wanaagsaneyd ee kartida iyo kalsoonida laheyd ee ay u garab istaagtay xilligii la soo dhicinayey xubinta baarlamaan ee Asharaaf oo ay dad kale isku dayeen in ay boobaan.

    Xildhibaan Lufti wuxuu odayaasha, waxgaradka iyo aqoon yahanka Asharaaf ka codsaday in ay u diyaar garoobaan sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen dib u soo nooleynta dowladnimada Soomaaliya, isaga oo u ballan qaaday inuu irrid walba oo dowladda ah isaga fure uga noqon doono.

    Kulan weynihii Asharaafta Yurub ay Xildhibaan Lufti kula yeelatay magaaladda Rotterdam ee dalka Holland waxaa uu ku soo dhamaaday jawi farxad iyo reyn reyn ah oo qurux badan.

    Share
    Facebook
    Twitter
    Pinterest
    WhatsApp

      Related Articles

      Somalia: Al-Shabaab’s Growing Clan Divide and the Government’s Blind Spot!

      April 2, 2025

      EDITORIAL: Weaponizing Somalia’s Aviation Control Risks Triggering a Dange...

      October 2, 2024

      HIRSHABELLE Healthcare Crisis deepens as corrupt Authorities expel “ALIGHT” crit...

      September 25, 2024

      Facebook Feed

      Opinion

      EDITORIAL: Weaponizing Somalia’s Aviation Control Risks Triggeri...

      October 2, 2024

      HIRSHABELLE Healthcare Crisis deepens as corrupt Authorities expel “AL...

      September 25, 2024

      Somalia’s National Bureau of Statistics in “Deadlock”...

      September 23, 2024

      INAN HABOW AH- SHEEKO GAABAN! – Qalinka: Abukar Albadri, June 04...

      November 27, 2015

      DARBO INTA UUSAN DARKA KAA BUUXSAMIN: – Qormo waano kuugu filan!...

      May 23, 2015
      Logo

      Qalin News Inc. is Mogadishu based News Entity created to connect the Somali Diaspora & the international stakeholders to Somalia

      Quick Links

      • Home
      • About Us
      • News
      • Sports
      • Editorial
      • Opinion
      • Culture
      • In Pictures
      • Videos
      • Contact Us

      Contact Info

      • Hallstavik, Sweden
      • info@qalin.net
      Facebook
      Twitter
      Youtube

      Copyright © 2013 - 2023 Qalin News Inc. — All Rights Reserved.

      Site Designed by ILEYS INC.